DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ku sii jeeday Hargeysa + sababta

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Hargeysa (warkii.com) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hawda ka celisay diyaarad ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda oo siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaraddaasi, inta aysan dagin.

Sida ay ogaatay warkii.com diyaaradda ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, waxaana ka degtay garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradda ayaa la xiriirta sida la sheegay xayiraaradda weli saaran duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo Kenyaba oo la xiriira diyaaraddaasi dib looga celiyey hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII