Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhoweyneyso soo Xulista Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambeeyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa guddiga doorashada Hirshabelle ku dhiira gelisay dhameystirka inta ka harsan doorashada madaxweynimo ee maamulkaas.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka kasoo baxay Wasaaradda

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here