DF oo shaacisay war ka farxiyay Xisbiyada mucaaradka dalka uguna yeertay…

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Shirkii Magaalada Dhuusamareeb dhinacyadii ka qeyb galay ee Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada.

Waxaa uu sheegay inay waajib ku aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka,balse taasi aysan dhicin,waxaana uu sicad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan.

Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka,isla markaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in Xisbiyada Mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la fiayo in uu 15-ka Bisha Agoosto ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb.

Inta badan Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka kajira ayaa waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen qodobadii kasoo baxay Shirkii ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb,waxana qaarkood ay dalbadeen in laga qeyb-geliyo Shirarka soo socda.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII