Wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Masar ee Soomaaliya, Maxamed Nasar, xili la fahamsan yahay inuu sii xumaaday xiriirka labada dal.

Sida ay ogaatay Warkii.com, kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyada oo labada mas’uul isku afgarteen in lasii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Masar ee Soomaaliya ayaa isagu dul istaagay sooyaalka wada-jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoona balan-qaaday in dowladda Masar ay gacan qaban doonto dowladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa si gaar ah sheegay in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha waxbarashada, oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka iyo dowlad dhiskaba.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay danjiraha, Safiir ku-xigeenka dowladda Jarmalka, Sascha Andreas Kienzle oo uu maanta wada qaabilay wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Safiirrada ayaa si wada-jir ah ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha, iyaga oo u rajeeyeyna ka mira-dhalinta shaqooyinka qaran ee horyaalla, isla markaana u muujiyey is-garab taag.

Ugu dambeyntiina Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey Danjireyaasha booqashadooda, isagoona la wadaagay dadaalladda dowladda federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Waxa uu ahaa kulankii saddexaad ee dhex-maray safiirka Masar ee Soomaaliya

Shalay ayey aheyd sidoo kale markii wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu qaabilay safiir Mohamed Ibrahim Nasr, si loo faaqido xoojinta hababka iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dhinac.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa looga dooday dhowr arrimood oo muuqda oo ku saabsan xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Isla shalay, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga

Kulamada ayaa imanaya xili uu sii xumanayey xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dhinaca saartay Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Masar.

Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda isku dayeyso inay dib u hagaajiso xiriirkaas, hase yeeshee ma cadda sida ay u maareyn doonto siyaasaddii markii horeba ku riixday dhanka Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here