Deni oo amray in aan wax deegaamayn cusub laga sameyn karin Puntland

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Garoowe (warkii.com) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo saaray amar uu ku joojinaayo dhisida iyo deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in dhamaan deegaameynta cusub laga sameyn karin dhal daaqsimaadka Puntland.

“Dhammaan wasaradaha iyo taliyeyaasha ciidamada booliska iyo daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa, laga billaabo maanta in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta dhul daaqsimeedka deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay xafiiska Deni.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Puntland soo saari doonto sharuuc cusub iyo hab raac loo maro dhulalka cusub ee la deegaameynaayo.

Mamnuucista deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland ayaan la ogeyn sababta loo mamnuucay, hase ahaate waxaa mudooyinkii danbe soo baxay murano ku saabsan dhulal la isku qabsaday.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII