Deni iyo Waare oo ku wajahan Dhuusamareeb.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha  maamulka Hirshabelle Maxamed Cabadi Waare ayaa goordhow lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweyne  Waare ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga madaxweyne Waare ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shirka ay beri  madaxda dowlad goboleedyada ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Maamulada Jubbaland, Puntland Hirshabelle, Galmudug  iyo Koofur Galbeed ayaa la filayaa in shir aan caadi aheyn ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee xiligan uu dalka marayo.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu goordhow gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Deni iyo Waare oo ku wajahan Dhuusamareeb. appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII