DEG DEG+MAGACYO: Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland, waxaana kasoo dhexmuuqday xubno kala duwan oo uu ku jiro Wariye hore Abdinuur Sh Isxaaq

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay sagaalka xubnood ee guddiga oo ay ku jiraan afar xubnood oo uu soo gudbiyey Gudoomiyaha baarlamaanka.Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.
Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay

XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.

Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland
Wuxuu Xeeriyey.

Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.

1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
2. Sahra Jaamac Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Cabdullaahi faarax Mire
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed
9. Cadirisaaq Axmed Siciid

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here