DEG DEG: Xubno ka socda beesha caalamka oo Garoowe ku wajahan lana kulmaya madaxweyne Denni & u jeedka wafuuda.

0

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta waxaa ku wajahan xubno ka socda beesha caalamka fadhigooduna yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xubnahaan ayaa waxaa kamid ah safiirka dalka Norway ee Soomaaliya Ambassador Ms. Elin, waxaana ku wehelin doona xubno katirsan diblumaasiyiinta ku sugan Nairobi iyo saraakiil ka socda safaaraddeeda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa waftigaan ku qaabili doona aqalka madaxtooyadda waxaana lafilayaa inay kawada hadli doonaan xiriir Puntland iyo Norway, kaalinta Norway ee horumarinta Puntland iyo sidii ay dowladda dalkaasi mashaarii horumarineed uga fulin lahayd Puntland

Ambassador Ms. Elin oo aan Puntland horay u imaan ayaa waxa ay magaalada Nairobi bishii 4aad kula kulantay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni oo ay kawada hadleen arrimaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here