DEG DEG: Xiliga ay dhacayso Doorashada Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo la shaaciyey.

Gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada ee Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi oo ka hadlayay kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in khamiista nagu soo beegan ay dhici doonto doorashada Afhayeenka baarlamaanka, taas oo uu sheegay in ay u tartamayaan mudanayaasha golaha.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in Xildhibaanada doonaya in ay qabtaan booskan ay tahay in ay soo galaan tartanka iyo guddiga doorashada oo la shaacin doono, isagoo sheegay in ay howlo badan sugayaan baarlamaanka, sidaas awgeedna ay tahay in doorashada la dadajiyo.

Warar ka madax banaan guddoonka ayaa sheegaya in ay sababta arrintan tahay doonista Xukuumadda oo ah in aysan musharaxiinta qaarkood helin jaanis ay ku galaan loolan siyaasadeed.

Gudoomiyaha xilka laga qaaday maanta CabdiXakiim Maxamed Axmed Dhooba-Daareed ayaan wali aqbalin natiijada baarlamaanka, wuxuuna xalay sheegay in ay sharci darro tahay kulan kasta oo lays kugu yimaado, uuna isagu yahay gudoomiyaha sharciga ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here