DEG DEG: Xiddigii Chelsea Iyo Dortmund Andre Schurrle Oo Ciyaaraha Ka Fariistay Isagoo 29 Sanno Jir Ah – Maxaa U Sabab Ah?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddigii ku guuleystay Koobka Adduunka Andre Schurrle ayaa ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah uga fariisanayo ciyaarista kubada cagta isagoo kaliya 29 sanno jir ah.

Xiddigii hore ee Chelsea ayaa ka tagay Borussia Dortmund ka dib markii uu kansalay qandaraaskiisa maalintii Arbacada, waxaana la filayay inuu raadsan doono koox cusub.

Laakiin xiddigaan 57 kulan u saftay Jarmalka islamarkaana ka caawiyay hanashada Koobka Adduunka lix sannadood ka hor ayaa doortay inuu ciyaaraha ka fariisto.

Advertisements

Schurrle ayaa u sheegay wargeyska Der Spiegel: “Go’aanka aan ciyaaraha uga fariistay wuxuu igu jiray muddo dheer” ka hor inta uusan raacinin: “Dhibaatada aan ku qabay waa ay sii qoto dheeraatay halka waxyaabihii i farxad gelinayay ay sii yaraadeen”

Schurrle ayaa u muuqday mid nacay ciyaarista kubada cagta oo aan hami ugu heynin sidii hore. Waxaa lala xiriirinayay kooxda horyaalka Serie A u soo dalacday ee Benevento oo uu tababare u yahay Pippo Inzaghi.

Isagoo u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Bayer Leverkusen, Chelsea, Wolfsburg iyo Borussia Dortmund, xiddiga garabka ka ciyaarayay ayaa ka hadlay sida uu kelinimo u dareemay intii uu garoomada ku jiray.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Waa inaad ciyaarto door cayiman si aad ugu badbaado ganacsigaan, haddii kale shaqadaada ayaad weyneysaa, mana heleysid mid cusub”

Schurrle ayaa isagoo 18 sanno jir ah ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee Bundesliga markaasoo uu sheegay kooxda Mainz, wuxuu labo xilli ciyaareed ka dib u wareegay Leverkusen.

Chelsea ayaa soo iibsatay sannadkii 2013 inkastoo uu London joogay kaliya 18 bilood isagoo baxay xilli ay Blues bartanka ugu jirtay xilli ciyaareed ay horyaalka ku guuleysatay.

Qoraal uu soo dhigay bogiisa Instagram ayuu sidoo kale ku yiri:

“Waxaan doonayaa inaan idiin sheego inaan ka fariisanayo ciyaarista kubada cagta!!

“Anigoo u hadlaya nafteyda iyo tan qoyskeyga waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qof walba oo qeyb ka ahaa sannadihii cajiibka ahaa ee i soo maray. Taageerada iyo jaceylka aad ila wadaagteen waa mid aan la rumeysan karin, waa in ka badan intii aan idiin weydiisan karay.

“Haatan waxaan diyaar u yahay wadooyinka quruxda badan ee horteyda yaala. Andre”

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII