DEG DEG: RW Kheyre oo amar ku bixiyay in la soo xiro MW Xaaf

0

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre ay Warkii Online u xaqiijiyeen in RW Kheyre uu bixiyay amar in la soo xiro MW Xaaf, waxaana laba diyaaradood loo diyaariyay ciidanka Danab ee fadhigooda yahay Ballidoogle in ay tagaan Dhuusamareeb oo soo xiraan MW Xaaf.

Ila wareedyada aya intaa ku daray in uu hadda socdo muran xooggan oo u dhexeeya Farmaajo iyo Kheyre taasoo ay sheegeen in MW Farmaajo uu ka qabo cabsi in dagaal ba’an uu ka dhaco Muqdisho taasoo nafsadiisa halis karta, sida hadalka loo dhigay.

Waxaa sidoo kale laga dareemaya magaalada Dhuusamareeb saan dagaal iyadoo ciidamo tiro badan oo taageera MW Xaaf ay ilaa shalay ilaa xalay aay soo buux dhaafiyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Wixii soo kordho dib ayaan idinkala socodsiin doona hadduu alla idmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here