DEG DEG: Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey Fahad

Muqdisho (Warkii.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac  “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aanka Rooble uu xilka kaga qaaday Fahad ayaa yimid kadib markii uu Fahad habeennimadii Isniinta soo saaray warqad u muuqatay inay jawaab u aheyd 48 saac, oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay taliyaha NISA inuu warbixin buuxda uga soo gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warqadaas ayuu Fahad kaga dalbaday Rooble in la fariisiyo Golaha Amniga Qaranka, si uu warbixin uga siiyo arrinta Ikraan, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen amar-diido Fahad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inaanu warbixin siin doonin. 

Golaha Amniga Qaranka waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo, Rooble, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo madaxda goboleedyada.

Muddada 48-saac ah ee uu Rooble u qabtay Fahad inuu ku keeno warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa ay ku ekeyd qiyaastii 7:00pm ee xilliga Muqdisho.

Dadka fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ayaa si kastaba rumeysnaa in Rooble aysan aheyn inuu xilligaas sugo, maadaama warqaddii uu Fahad u diray Rooble ay ku macneeyeen mid uu si toos ah ugula baratamay awoodaha ra’iisul wasaaraha. 

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here