DEG DEG: Qorshe lagu ridayo Xukuumadda Kheyre oo ka socda Muqdisho & cida hor boodeysa oo..

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa wada olole xooggan oo la doonayo in maanta lagu rido xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sida xog goordhow helnay sheegeyso.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, waxaana la isku dayayaa in isla kulankaas lagu rido xukuumadda.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda in kooramka uu buuxsami doono iyo in kale. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu jiro guux ku saabsan mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre oo la doonayo in aanta la hor geenayo kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka.

Mooshinkaan ayaa la sheegayaa inay gadaal ka riixayaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in kulankaan xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa, hase yeeshee waxaan weli caddeyn tirada xildhibaanada taageersan mooshinka.

Waxaa sidoo kale isku daygan wax ka og madaxtooyada Soomaaliya, xilli uu kasii daray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Guddoonka golaha shacabka, gaar ahaan Mursal iyo Muudey, ayaa la sheegay in ka go’an tahay inay xaqiijiyaan muddo kororsi, kaasi oo sidoo kale uu taageerayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiayah baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin doorasho dadbaa. Mursal ayaa si toos ah ugu xiran ugana amar qaata madaxweynaha, oo ma lahan karti uu iskii go’aan ugu qaadan karo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hadda ku qulqulayo Xarunta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Kheyre iyo Xukuumadiisa lagu eedeeyo inay sabab u yihiin inay doorashada ku dhici weysay waqtigeeda.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII