DEG DEG: Qeybo ka mid ah ISLII oo lagu kala cararay xilli ay jiraan warar sheegaya qarax…

Nairobi (Warkii.com) – Waxaa goor dhawayd lagu kala cararay suuq wayn oo mall ah oo ku yaala xaafadda Islii, ee magaalada Nairobi, gaar ahaan Yare Tower, oo ku yaalla 12 Steeat.

Warar horudhac ah, oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in meesha lagu arkay ama looga shakiyay walxaha qarxa, taasi oo keentay in dhammaan shacabka laga saaro.

Waxaa hadda goobta soo gaaray oo ku sugan ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in laga dhaqaaqo aaggaas, si loo baaro qaraxa laga shakisan yahay.

Ciidamada aagga soo gaaray ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagga qaraxyada, kuwaas oo wata eeyaha wax u riya, waxaana jira shaki laga qabo in goobta qarax lagu xiray.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka Kenya oo ku aaddan xaaladda. 

Xaalada xaafada islii ayaa haatan ah mid aad u kacsan xaaladeeda, waxaana jira in ay xiran yihiin waddooyinka soo gala aagaas.

Inkasta oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen Nairobi, haddana badanaa ma dhacdo in la beegsado xaafadda Islii, oo ah meel ay aad ugu badan yihiin Soomaalida.

Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 


Source: warkii.com