DEG DEG: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Dhuusamareeb

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah.

Jugta qaraxa ayaa waxaa la sheegay in laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada oo dhan ,isla markaana waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob Maqaayad ah oo ay fariisan jireen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Siyaasiyiinta.

Maqaayada uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay ku taallaa afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb,waxaana qaraxa kadib la arkay qiiq iyo Uuro.

Wariyaha Warbaahinta Warkii online ee Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa uu soo sheegayaa inuu jiro Khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo xiray Aaga uu falka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here