DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Dhuusa-Mareeb

Wararka warkii.com ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Dhuusa-nareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in bartamaha magaalada uu gordhow ka dhacay qarax.

Qaraxaan ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaana ka dhashay khasaaro,qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino ku aasneed goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen dhaawaca ku dhawaad 3-ruux oo qaraxaas wax ku noqday oo midkood la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaray,Ciidamada ammaanka oo markiiba goobta tegay aya kala ceyriyay dadka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here