DEG DEG:- Madaxweynaha Somalia Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka Iyo Taliyaal Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa subaxnimadii hore ee saaka saxiixay wareegtada magacaabida saraakiil cusub oo ka mid noqonaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ku jira qaar kusugan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taliyaha ciidamada Lugta & Dhulka u magacaabay Sareeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hayay waqtigan taliyaha ciidamada la dagaalanka Argagixisada Puntland qeybta gobalka Nugaal ahna taliyaha ciidamada Xasilinta caasumada Garoowe.

Cabdixamiid ayaa si wanaagsan loo xasuustaa doorkii uu ku lahaa arrimaha sugida Ammaanka magaalada Garoowe, sidaas oo kalena wuxuu xubin firfircoon ka yahay Taliska PSF oo taliyahoodii hore Jeneraal Asad Diyaano ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Puntland.

Magacaabidiisa ayaa ku soo beegmaysa xili ay Al- Shabaab dagaal culus ka wadaan gobalka Shabeelaha Hoose, isla markaasna saraakiisha hogaaminaysa ciidamada xoogga dalka ay ku mashquulsan yihiin kooxahaas.

Taliyaha cusub waxaa horyaala caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin ku shaqeynta deegaan ku cusub iyo marxalad ay adag tahay in uu si fudud ku fahmo.

Taliyaha ciidamada Lugta & dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa horey u hayay Jeneraal Odowaa oo hadda ah Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay u muuqato in taliska oo dhan hadda ay dhalinyarro yihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan xilka ka qaaday Cabdixamiid Dirir, kaas oo si KMG ah u sii hayey taliska qeybta Booliska ee gobalka Nugaal.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here