DEG DEG: Maalinta Uu Bilaabanayo Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier League Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay maalinta uu bilaabanayo xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League ka dib kulan ay khadka muuqaalka ku yeesheen madaxda 20ka kooxood ee horyaalka.

Kooxaha ayaa isku raacay in horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21 in si rasmi ah loo bilaabo 12ka bisha September.

Waxay kaloo isku raaceen in horyaalka la soo gabagabeeyo 23ka bisha May taasoo ka dhigi doonta in kulamada ay isku dhawaan doonaan xilli ciyaareedka soo socda.

Advertisements

Waxaa haatan lagu dhaqaaqi doonaa in la sameeyo jadwalka isku aadka ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Kooxaha horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ayaa rajeynaya in 12ka September loo ogolaan doono in taageerayaasha ay ku soo laabtaan garoomada.

Kulanka daahfurka u noqonaya xilli ciyaareedka ee Community Shield oo la ciyaarayo 30ka Agoosto una dhaxeeya kooxda horyaalka qaaday ee Liverpool iyo kooxdii soo qaaday FA Cup Arsenal ama Chelsea ayaa lagi tijaabin doonaa inay Wembley soo galaan taageerayaasha qaar.

Laakiin xitaa haddii la ogolaado inay taageerayaasha ku soo laabtaan garoomada, waxaa la ogolaan doonaa kaliya in garoonka la buuxiyo boqolkiiba 50 si ay taageerayaasha u kala fogaadaan.

Dowlada Ingariiska ayaa u qabatay in taageerayaasha loo ogolaan doono garoomada 1da bisha October laakiin maamulka Premier League iyo kooxaha horyaalka ayaa u ololeynaya in ka hor waqtigaas loo ogolaado taageerayaasha garoomada.

Qaar ka mid ah kooxaha horyaalka sida Arsenal ayaa aad ugu tiirsan dhaqaalaha ka soo galaya tikidhada ciyaarta sidaasi darteed waxay dani ugu jirtaa in taageerayaal qaar loo ogolaado garoomada.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII