DEG DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay Xiddigii Ugu Muhiimsanaa Kooxdeeda Inuu Maqnaanayo Inta Ka Harsan Xilli Ciyaareedka

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson inuu seegi doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac ka soo gaaray jilibka.

Jordan Henderson ayaa waxay isku dhaceen xiddiga kooxda Brighton, Yves Bissouma daqiiqadii 80aad kulankii habeenka Arbacada, inkastoo dhaawaca soo gaaray markaas uu u muuqday mid aan halis aheyn, laakiin waxaa haatan la xaqiijiyay inuu yahay mid aad u daran.

Kabtanka Reds ayaa haatan seegaya afarta kulan ee ka harsan xilli ciyaareedka Premier League isagoo sidoo kale halis ugu jira inuu seego bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Tababare Klopp ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta ku yiri:

“Waa warkii xumaa laakiin ma ciyaari doono mar kale xilli ciyaareedkan. Niyadsami ayaanse ka qabaa inuu nala bilaaban doono xilli ciyaareedka cusub.”

Maqnaanshaha Henderson waxa uu dhabarjab xoogan ku yahay Liverpool kuwaasoo doonaya inay jabiyaan rikoodhka dhibcaha ugu badan Premier League ee xilli ciyaareed.

Henderson ayaa muhiim weyn u ah Reds isagoo khadka dhexe si fiican u maamula islamarkaana dhiirogeliya xiddigaha kooxdiisa.

Liverpool waxay maqnaanshihiisa dareentay intii u dhaxeysay dhamaadkii bishii Febraayo iyo bilowgii bishii Marcj markaasoo uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa.

Ma ahan wax kama ku dhacay guuldaradii 3-0 ee Liverpool ka soo gaartay Watford markii uu Henderson kooxda ka maqnaa.

Henderson ayaa noqday xiddig lafdhabar u ah ciyaartoyda Liverpool inkastoo bilowgii waayihiisa Reds si weyn loo dhaleeceyn jiray.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII