DEG DEG: Lataliyihii Madaxweyne Waare Oo La Xaqiijiyey Inuu Geeriyooday

Waxaa Saaka inta badan lala socday in Doon ay ku degtay Magaalada Beled weyne daadadka ku rogmaday Xaafada Xaawo Taako.

Dadka lasoo bad baadiyey waxaa ku jira Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax iyo Duqa Beled weyne Safiya Sheekh Cali Jimcaale.

Duhurnimadii waxaa la xaqiijiyey inay geeriyootay Dahabo Axmed Xasan oo aheyd lataliyihii dhinaca Haweenka Ee Madaxweyne Waare.

Geerida waxaa hubanti ka dhigay Xubno katirsan HirShabelle iyo Mas’uuliyiinta qaar Gobolka Hiiraan.


Dahabo iyo Askar ilaalo u aheyd waxaa loo tegay iyagoo meyd ah markii biyaha daadadka ah ay ku qarqarmeen.

Weli waxaa Beledweyne ka taagan Xaalad Adag oo Fatahaada ay geysatay ah,iyadoo dadku ubaahan yihiin gurmad deg deg ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here