DEG DEG: Kheyre “Waxaan go’aansaday inaan ummadda u noqdo tusaale oo aan is-casilo”

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Muqdisho (warkii.com) –Ra’iisul wasaarihii xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa shaaciyey in uu is-casilay, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu maanta ku dhawaaqay in xildhibaanadu kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddiisa

“Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay.”  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in uu garwaaqsanyahay in wixii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka aysan sharci aheyn, balse uu u tanaasulay  umadda Soomaaliyeed si uu tusaale ugu noqdo, sida uu sheegay.

“Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In  xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka  iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed,  mid dhaqaale, amni iyo bulsho” ayuu yiri Kheyre.

Hoos ka Daawo


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII