DEG-DEG: Isku-aadka Wareegga Siddeed-dhamaadka Iyo Semi-finalka Champions League Oo Lasoo Saaray – Man City/Real vs Juventus/Lyon, Barcelona/Napoli vs Chelsea/Bayern

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Isku-aadka tartanka Champions League ee wareegyada siddeed-dhamaadka (quarter finals) iyo semi-finalka ayaa lagu dhawaaqay, waxaana isku beegmay naadiyo waaweyn oo ay colaad guun ahi ka dhaxayso.

Tartanka Champions League oo istaagay 121 maalmood ka hor, ayna ugu dambaysay ciyaarihii Liverpool iyo Tottenham lagu reebay ee ay la ciyaareen kooxaha Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund, ayaa dib u bilaabmi doona horraanta  bisha dambe ee August.

Tartanka ayaa qaybtiisa dambe ay ka duwanaan doontaa sidii hore, waxaana dhamaan kulamada hadhay ee wareegyada siddeed-dhamaadka, laba dhamaadka iyo finalka lagu ciyaari doonaa caasimadda waddanka Portugal ee Lisbon.

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City midkooda soo badiya ayaa wareegga 16ka waxay la ciyaari doonaan Lyon iyo Juventus oo soo kala baxaya.

Barcelona iyo Napoli oo ay ciyaar iskugu hadhsan tahay, waxa midkooda soo baxa uu afka ka gelayaa Chelsea iyo Bayern Munich midkooda kasoo gudba wareegga 16ka.

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa afka ka gashay RB Leipzing oo soo garaacday Tottenham, halka PSG ay ku beegantay Atalanta.

Isku-aadka wareegga siddeed-dhamaadka:

RB Leipzig vs Atletico Madrid

Real Madrid/Man City vs Lyon/Juventus

Napoli/Barcelona vs Chelsea/Bayern Munich

Atalanta vs PSG

Isku-aadka Semi-finalka

1. Real Madrid/Man City vs Lyon/Juventus kooxda kasoo baxda, waxay afka ka geli doontaa naadiga kasoo baxa kulanka Napoli/Barcelona vs Chelsea/Bayern Munich

2. Atletico Madrid ama RB Leipzing midkooda soo baxa waxay ka hor tegi doontaa Atalanta ama PSG midkooda soo gudba.

Si Kooban:

REAL MADRID/MAN CITY ama LYON/JUVENTUS vs NAPOLI/BARCELONA ama CHELSEA/BAYERN

LEIPZIG ama ATLETICO vs ATALANTA ama PSG

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH:

Kooxaha soo gudbay iyo kuwa la sugayo

Atalanta, Atletico Madrid, Paris St-Gemrain iyo RB Leipzing ayaa iska xaadiriyey wareegga sideed-dhamaadka oo sugaya kaliya inay ogaadaan naadiyada ay la ciyaari doonaan.

Wareegga 16ka waxay min hal kulan u hadhsan yihiin siddeed kooxood oo afar ka mid ah ay usoo gudbi doonaan siddeed-dhamaadka ama quarter finalka.

Natiijooyinka kooxaha kulamadu iskugu hadhsan yihiin

  • Manchester City v Real Madrid (2-1)
  • Bayern Munich v Chelsea (3-0)
  • Barcelona v Napoli (1-1)
  • Juventus v Lyon (0-1).

Miyaa kooxaha isku-addanka ah la kala ilaalinayaa

Dhamaan kooxaha ayaa si siman loogu samaynayaa qori-tuurka, mana jiro sharci loo cuskanayo in naadiyada isku waddanka ah la kala ilaaliyo, waxaana wada ciyaari doona Manchester City iyo Chelsea haddii ay soo gaadhaan wareegga semi-finalka. Sidaas oo kale, Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku dhici kara haddii ay soo gudbaan.

Sidee loo ciyaarayaa?

Wareeg kasta waxa lagu kala baxayaa hal ciyaar oo kaliya, waxaana kooxda hal ciyaar laga badiyaa ay u duuli doontaa dalkeeda maadaama aanay wax rajo ah oo u hadhay jirin. Labada kooxood ee ciyaartoodu barbarro ku dhamaato, waxa natiijadooda lagu go’aamin doonaa waqti dheeraad ah iyo rikoodheyaal.

Dhamaan kulamadu waxay ka dhici doonaan garoonka Sporting CP ee Estadio Jose Alvalade ama garoonka Benfica ee Estadio da Luz oo midka dambe ay ka dhici doonto ciyaarta finalka oo laga soo wareejiyey magaalada Istanbul oo markii hore loo qoondeeyey.

Waqtigee la ciyaari doonaa kulamada?

7-8 August: Waxa la ciyaarayaa kulamadii ka hadhsanaa wareegga 16ka

12-15 August: Wareegga siddeed-dhamaadka (quarter finals) ayaa la ciyaarayaa

18-19 August: Kulamada Semi-finalka ayaa dhacaya

23 August: Finalka ayaa la ciyaari doonaa.

Saacaddee ayay ciyaaruhu bilaabmi doonaan?

Dhamaan ciyaaruhu waxay bilaabmi doonaan marka ay saacaddu tahay 20:00 BST.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII