DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamaankii hore ee Jubbaland oo dib loo doortay

Goordhow ayaa waxaa la soo gagabeeyay tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax,kuwaasi oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Sheenow Cali.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada,waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 Cod.

Sidoo kale Xuseen Sheenow Cali ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jubbaland ,kaasi Codad gaaraya ilaa iyo 18 Codka.

Hoolka doorashada ka socoto ayaa waxaa ku wada sugan, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here