DEG DEG: Diyaarad goor dhaw ku burburtay garoonka Baladweyne

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Beledweyne (warkii.com) – Wararka laga helay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad kusoo dhacday garoonka diyaaradaha taas oo gar-gaar u waday dadka gobolka.

Sida wararka ay tilmaamayaan, Diyaaradaasi ayaa aheyd nooca xamuulka, waxayna gar-gaar u siday dadkii ay fatahaadaha saameeyeen ee gobolka Hiiraan. Waxay kasoo duushay magaalada Jabuuti.

Saddex shaqaale oo diyaarada saarnaa ayaa laga badbaadiyay ka hor inta uusan dab ka kicin diyaaradda sida uu sheegay Korneyl Cabdillahi Muuse oo ah hogaamiyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda ma jirto in la ogaaday sababta ka dambeysa in diyaaradda dhacdo isla markaana uu dab ka kaco.

Sida ay ogaatay warkii.com, diyaaradaasi ayaa si gaar ugu kireysneyd Qaramada Midoobay.

Wixii faah-faahina ee kasoo kordha isha ku hay warkii.com


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII