DEG-DEG: Bruno Fernandes Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddigii Ugu Wanaagsanaa Premier League Bisha June Iyo Rikoodhka Uu Dhigay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kubbad-sameeyaha Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ku guuleystay abaaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League bishii June.

Laacibka reer Portugal ayaa udub-dhexaad u ahaa kooxdiisa Manchester United intii horyaalka lagu soo labatay iyo kulamadii February iyo March ee uu ciyaaray, waxaana uu guul weyn ku hoggaamiyey naadigiisa ciyaartii Aston Villa ee Khamiistii ay ku garaaceen 3-0, taas oo uu dhaliyey gool rikoodhe ah, qayb libaaxna ka qaatay bandhigga naadiga.

Manchester United 17 ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga badin dhamaan tartamada, waxa isbeddel xoog leh ku sameeyey Fernandes oo ka awday meelihii ay ka wiiqnaayeen.

Tan iyo February 1, Fernandes waxa uu kusoo lug yeeshay 13 gool oo ay Manchester United dhalisay, mana jiro ciyaartoy kale oo horyaalka Premier League ka ciyaaray oo goolal intaas  le’eg kasoo qayb qaaday.

Bishii June ee xiddignimadeeda hadda la siiyey oo dhamaadkeeda ciyaaraha dib loo bilaabay kaddib muddo ay hakad ugu jireen caabuqa Korona, waxa Fernandes uu soo dhaliyey saddex gool.

Abaal-marintan oo uu bishii May kusoo guuleystay, waxa uu Bruno Fernandes noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Man United ah ee laba bilood oo isku xiga la guddoonsiiyo ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Premier League ee bisha tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo uu Cristiano Ronaldo sidan oo kale laba bilood oo isku xiga ugu guuleystay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII