DEG DEG:- Axmed Madoobe Oo Mar Kale Loo Doortay Madaxweynaha Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa lagu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland, waxaana loo doortay Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa waxaa la tartamayay ilaa iyo afar musharax, halka hal musharax uu is casilay, kaasi oo lagu magacaabo Musharax Maxamed Cumar Geedi, sida ay sheegeen guddiga doorashada Maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdi Raxmaan,, waxaa uuna sheegay qaabka loo kala helay natiijada, iyadoona 74 mudane ay goobjoog ka hayeen doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

1: Axmed Maxamed Islaam  56

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)  1

3:  Canab Maxamed Daahir     17

Doorashadan  ayaa ka dhigan in Jubbaland ay yeelatay Labo madaxweyne, waxaana loo kala doortay Cabdi Rishiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaaladaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here