Deg Deg: Aishwarya Rai iyo gabadheeda Aaradhya oo laga helay Corona xaalka reer Bachchan oo meel xuran maraayo!!

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Qoyska Bachchan xaalkooda meel xun ayuu maraa waxaana soo galay caabuqa halista badan ee Coronavirus xalay ayee ahed markaan idiin shaacinay in Corona laga helay wiil iyo aabihiis Amitabh Bachchan iyo Abhishek Bachchan.

Hadaba maanta waxaa la shaaciyay in Corona laga helay Big B gabadhuu sodoga u ahaa Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadheeda Aaradhya 2-saac kahor ayuuna warkaan soo baxay arinkaan ayaa qalqal ku abuuray taageerayaasha Bachchan Family.

Markii hore Negative ayee noqdeen oo waa laga waayey Aishwarya, Aaradhya iyo Jaya Bachchan balsd baaritaan labaad kadib Positive ayee noqdeen Aish iyo gabadheeda halka wali la sugaayo jawaabta baaritaanka labaad ee Jaya Bachchan.

Hader qoyska Bachchan 4-kamid ah waa laga helag Corona oo kala ah Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan, Aishwarya Rai Bachchan iyo Aaradhya Bachchan waxaana lasugayaa jawaabta Jaya Bachchan reer hindiya waa isla kaceen baraha bulshada maanta qoyskan ayaa looga duceynayaa.

Isbitaal ayaa la dhigay afartooda halkaas ayeena karantiil ku yihiin xaalkooda dambe wixii kasoo bixi doono lama oga balse hader wey caafimaad qabaan inkastoo Corona laga helay farxad iyo degenaansho ayee muujinayaan.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII