Deepika Padukone oo ka maseertay sawir uu seygeeda Ranveer Singh soo dhigay Istagram

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ranveer Singh ayaa muddooyinkii u dambeeyay guriga ugu xareysnaa bandowgii coronavirus awgii, balse waxa uu soo bartiisa Instagram soo dhigayay sawirro iyo qoraallo uu asxaabtii waqti kula qaadanayo.

Xiddigan ayaa soo dhigay sawir uu xilli hore ku galay xeebta, waxaana uusoo raaciyay qoraal uu ku sheegayo jaceylka uu qabo sofa-diisa.

Ranveer ayaa soo dhigay sawirka hoos ka muuqda, waxaana uu soo raaciyay qoraal ah: “Waan jeclahay sofa-deyda .

Waxaa qaybta araahda (comment) soo gashay xaaskiisa Deepika Padukone, oo usoo dirtay qoraal ah: “Sharrax”.

Waxaa sidoo kale sawirka qaybtiisa comments-ka lagu arkay atariishada ay isla sameeyeen filimka Gully Boy ee Alia Bhatt oo u soo qartay: “Kan ugu fiican”, iyo gabadha la dhalatay Kriti Sanon ee Nupur taasoo horraan muuqaal hees ah kala soo muuqatay Akshay Kumar.

Marka la eego dhanka shaqada, Ranveer waxa uu sugayaa soo bixitaanka filimkiisa xiga ee 83, kaasoo sheeko ahaan laga sameeyay markii India ay ku guuleysatay koobkii adduunka ee cricket-ka sanadkii 1983.

Waxaa lagu soo warramayaa in filimkan aanan laga daawan doonin Interntet-ka, balse la saari doono tiyaatarrada marka la gaaro Ciidda Masiixiga.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII