Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Saameynta Afgembigi Fashilmay & Soomaalida

0

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali ayaa ka hadlay Afgembigii dhicisoobay Ee Ka dhacay Waddankaasi,gaar ahaan Gobolka Amxaarada oo laga abaabulay Inqilaabkaasi.

Kooxda Afgembiga waday waxay isku dayday inay sameeyaan qorshaha ay dejiyeen balse waa ay ku guuldareysteen.

Dawlada Federaalka Dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay sargaal u hadlay in Sirdoonka ay ogaadeen Xogtaan lagana hortegay.

Qalalaasaha dhacay waxa uu galaaftay Saraakiil Ciidan oo la isku dayey inay afgembiga hor istaagaan waxaana ka mid ah dadka la dilay Taliyihii Ciidanka Difaaca Jamhuuriyada Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa Tacsida uu udiray kasokoow Saraakiisha la dilay waxa uu kaga mahad celiyey cid walbo oo ka qeyb qaadatay in la baajiyo Inqilaabkaasi.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Ra’iisal Wasaare Abiy sida ay Saameynta ugu yeelatay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xukuumada Adis ababa waxay sheegtay inay muhiimad gaar ah ay siineyso ka hortega wax walbo oo carqalad ku ah Dalka iyo Deegaanka islamarkaana Sharafta dadka itoobiyaanka ay difaaci doonaan.

Sidaas oo kale waxa la sheegay in Saraakiil durba loo xiray Afgembiga guuldareystay ee ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here