David Silva Oo Diyaar Loola Yahay Mushaar Ka Sareeya Kan Man City Xilli Hantiilayaasha Ay Durba Ishaarteen Badalkiisa

0

Kubad sameeyaha kooxda Man City ee David Silva ayaa u dhaw in uu ka huleelo kooxda Man City waxa ayna ilo wareedyo kala duwan sheegayaan in finalkii FA Cup-ka uu ahaa kiisii ugu dabeeyay kooxdaas .

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Silva uu dalab aad u sareeya uu ka haysto horyaalka Qatar waxaana loo balan qaaday mushaar ka sareeya kan haatan uu ka qaato City.

Sidaas oo ay tahay lama helin kooxda reer Qatar ee dooneysa laacibkas xilli la xusay in Silva uu si weyn uga fikarayo dalabkaas waliba uu la dhacsan yahay.

Kabtankaas labaad ee City ayaa xilli ciyaareedka soo dhamaaday waxa uu City la qaaday sedex koob waxa uuna door muhiim ah ka qaatay in City si wacan ugu dhameystaan xilli ciyaareedka .

City ayaa durba biloowday raadinta badalka Silva waxa ayna isha isku ku hayaan xiddiga Monaco ee Youri Tielemans kaasi amaah ugu jooga r Leicester City waxa uuna qiimihiisa suuqa gaarayaa 40 milyan oo gini

Laacibkaas 33 sano jirka ah ayaa Man Cuity u yimid sanadkii 2010-kii waxa uuna 4 jeer la qaaday horyaalka Ingiriiska .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here