David Moyes Oo Labo Milyan Ginni Lagu Siiyay Barbarihii Uu Ku Qabtay Manchester United

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababaraha kooxda West Ham David Moyes ayaa lagu waramayaa in labo milyan ginni lagu abaalmariyay ka dib markii uu kooxda ka badbaadiyay inay u laabato heerka labaad.

Kooxda ka dhisan bariga magaalada London ayaa barbaro 1-1 ah ku qabatay Man United oo marti loogu ahaa Old Trafford habeenkii Arbacada iyadoo natiijadaas ay xaqiijisay inay sii joogi doonaan Premier League.

Tababaraha reer Scotland ayaa heshiis 18 bilood ah u saxiixay kooxda markii uu bedelay Manuel Pellegrini bishii December laakiin si xun ayuu ku bilowday markii labaad ee uu tababare ka noqdo kooxda.

Advertisements

Ka dib guushii ay gurigooda uga gaareen Bournemouth iyo guushii FA Cup ee ay ka gaareen kooxda heerka seddexaad ee Gillingham, West Ham ayaa badisay kaliya hal kulan 12kii kulan ee ku xigay.

Waxaa jiray mudaharaad baahsan oo ka dhan maamulka kooxda iyadoo inta badan taageerayaasha ay ka soo horjeedeen magacaabista David Moyes.

Laakiin qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigeen ka dib markii ay kubada cagta dib u bilaabatay ayaa ka caawisay in West Ham ay ka badbaado heerka labaad halka tababaraha waayo araga ah David Moyes uu helay labo milyan ginni madaama uu kooxda badbaadiyay sida ay sheegtay Sky Sports.

Barbarihii uu ku qabtay kooxdiisa hore ee Man United ayaana u sahashay inuu helo lacagtaas abaalmarinta ah.

West Ham waxay haatan ku jirtaa kaalinta 15aad iyagoo kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka gurigooda kula dheelaya kooxda Aston Villa Axada.

Taageerayaasha ayaa bilaabaya inay bedelaan fekerkii ay ka qabeen Moyes iyagoo haatan ku baaqaya in maamulka kooxda ay ku taageeraan suuqa kala iibsiga.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII