Warsaxaafadeed,_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kula kulmay Yokohama Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Nick Kay oo maalinta berry ah booqanaya Muqdisho si uu howshiisa cusub u bilaabo, arrimaha amniga, iyo sidii QM ay kaalin hoggaamineed uga qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya waxuuna sheegay in QM ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna uga mahadceliyey Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah. XG ee QM ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha QM ay u soo guuri doonaan Soomaaliya.