Dalkee Iska lahaa Diyaaradii Maanta Ku Bur burtay Beled weyne?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Diyaarad xamuul ah ayaa duhurnimadii maanta ku bur burtay Garoonka Diyaaraha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Warar madax bannaan aay sheegayaa in diyaaradda aay leedahay dowladda jabuuti aayna qeyb ka aheyd diyaaraduhii jabuuti ee raashiin gar gaarka oo jabuuti kasoo daabulayay keenayay Beledweyne si dadkii aay fatahaadda sameeysay loogu qeybiyo.

Duuliyihii saarnaa iyo Seddax kamid ah caawiyeyaashiisa ayaa la sheegay in aay badbaadeen.

Dabka ka kacay diyaaradda ayaa yimid kaddib markii diyaaradda aay shil gashay.

Gaadiidka dab damiska AMISOM ayaa ku howlan daminta dabka diyaaradaasi ka kacay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII