Dalka Uganda ayaa markii u horeeysay diyaarado dagaal ku biirinayso AMISOM

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Dalka Uganda oo ciidamo badan ka joogaa dalka Soomaaliya ayaa in mudo ah ka sheeqaynayay in aysan haysanin taageero dhanka cirka oo ay ciidamdadeeku ku haysato dalka Soomalaiya. Iyada oo taa ka duulayso ayaa Dowladda Uganda ku dhawaaqday in Diyaarado Militari ay usoo direyso Soomaaliya si ay taageero ugu noqdaan howlgalka Askarta Ururka Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca AMISOM.

Afhayeenka Militariga Uganda Ricahrd Karemire ayaa shaaca ka qaaday  in Dowladdiisa door muuqda ay siisay Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee wada howlgalka ka dhanka ah dhinacyada kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Afhayeenka ayaa xusay in Dowladda Uganda oo ka duuleysa baahida loo qabo ballaarinta howlgalka Midowga Afrika in ay qorsheysay diyaarado dagaal oo ay u dirto Soomaaliya si ay u xoojiyaan Askarta AMISOM.

“Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) waxaa ka go’an dhaqaajinta howlgalka ka dhanka ah Argagixisada, fulinta howsha ay hayaan Askarta Militariga iyo Booliiska isugu jira ee ku yimid kaalmada Dowladaha Afrika waxaa ka dhashay in indhaha caalamka loosoo jeediyo dalkaan dhaca Geeska Afrika” ayuu yiri Afhayeenka Militariga Uganda.

Waxa uu dhanka kale faah-faahiyay ujeedka diyaaradaha Militariga iyo waxyaabaha ay kusoo kordhin karaan waxa uuna yiri “Diyaaradaha Militariga waa kuwa Caawiya Askarta lugta ee dhulka ku sugan, waxa ay wax ka arkaan meelo fog, waxa ay kahor tagaan duullaan kusoo socda, waa kuwa xoojiya awoodda ciidamada oo ay dib ugu laabtaan cadawga kusoo socda”.

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo Ciidamada AMISOM keena Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana ku xigay dalka Burundi oo bilooyin kadib iyanna Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho kasoo dajiyay Boqolaal ciidan.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Dalka Uganda ayaa markii u horeeysay diyaarado dagaal ku biirinayso AMISOM appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII