Dagaalyahanada Shabaab oo saldhig ku yaalla Kenya ku dilay askar Kenyan ah

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Gaarisa (warkii.com) – Maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyahiin duleedka degmada Gaarisa.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa daganaa saldhigga la weeraray wuxuuna ku yaalaa deegaanka Faafi, durba waxaa masuuliyadda weerarka sheegtay xarakada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney dileen dhawr ka tirsan booliska Kenya, balse wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa joogteysay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxayna wacad ku martay inay weerarada sii wadi doonto inta ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, wuxuuna Madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay inuusan ciidamadiisa kala bixi doonin gudaha Soomaaliya inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII