Dagaalka Senetor C/raxmaan Faroole & M/W Siciid Dani Oo Meel Culus gaaray

Waxaa meel xun gaaray kala aragti duwanaashiyaha Siyasadeed Ee ka dhex oogan madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Dani iyo Senetor C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Faroole ayaa ku Eedeeyey Siciid Dani mid lumiyey fursado badan ay Puntland heysatay sidaa awgeedna ay ku baaqeen inay isimada & Dadkii soo dhisay Puntland wax ka qabtaan arintaan.

Khilaafkani Labada dhinac udhaxeeya ayaa waxaa la sheegay inuu soo bilowday Bilo ka hor weliba Kismaayo markii ay aadayeen waa uu jiray.

Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku sheegay Siciid dani inuu lumiyey fursado ballaaran oo Beesha Caalamka ay ku caawin laheyd Puntland.

Xildhibaankani ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Dawlada Dani hogaamiyo looga fadhiyo in mudada sanadaha udhiman uu la yimaado fur furnaan siyaasadeed,biseyl hogaamineed iyo isbadel muuqda dhanka maamulka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here