Dagaal Sokeeyo oo kadhaca Soomaaliya wuxuu fursad siinaya Alshabaab.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Soomaaliya oo qarka usaaran in  xasarada siyaasadeed ee taagan isku badasho dagaal sokeeye oo dhiig faro badan ku daato, kadib markii mugdi wayn hareeyay doorashada 2020 / 2021 arrintaasi oo si weyn ugu soo horjeesteen daneeyayaasha soomaaliyeed ee raba ineey ka qeyb qaatan hormarka dalka kuwaaso u arka in lajoogo waqtigii uu isbadal u baahna dalka.

Argagaxisada alshabaab oo ah koox ay maalgaliyaan dowlado cadow ku ah Soomaaliya ayaa fursad wayn u arkaa isqabqabsiga siyaasadeed ee katagan gayiga soomaaliyeed maadama shaki wayn lagaliyay ineey doorasho dhacyo.

Alshabaab oo hada u abaabulan qarbudaad lehna awood ay ku fuliso weeraro horleh hadii aykala jabaan cududa mideeysan ee shacabka oo usoo jeeda inlala dagaalo cadowga argagaxisada ee kusoo duulay dalka ay fursad dahabi u noqon doonto  kala jabka midnimada shacabka .

Madaxweyne farmaajo oo ah nin garaad yar ama aan caqligiisa ku filneen , aqoona ulaheen halka ay soomaaliya kasoo dhaqaaqday markii uu lawareegayay talada dalka & sida masuuliyad darada uu umaamulayo xafiiskii lagu aaminay.

Habdhaqanka kursi jeceelka Madaxweyne farmaajo wuxuu kalifi doona in soomaaliya 20 sano hor leh aykusii jirto colaad & dhibaatooyin bini aadanimo , Argagaxisada alshabaab oo hadafkooda yahay in soomaaliya aysan ka dhalan xasilooni ama daganaan ayaa faaideysan doona intaa ay isku maqan yihiin shacabka soomaaliyeed .

W/Q Tahliil Hassan Ali

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Dagaal Sokeeyo oo kadhaca Soomaaliya wuxuu fursad siinaya Alshabaab. appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII