Dagaal Cusub Oo Wasiir Goodax & Maamulayaasha Dalladaha Ka Dhex Qarxay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Sanadkii hore 2019-kii sida la xasuusto waxaa buuq ka jiray qaabkii loo galay Imtixaankii Dawlada ay qaadeysay.

Mar kale ayaa waxa muuqata is qab qabsi jira,iyadoo Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya sida la sheegay ay kasoo horjeesteen oo diiday isku deyga wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir goodax oo qaar kamid ah Iskuuladda ardaydooda ugu diiday in ay ka qeyb galaan Imtixaanka shahaadiga ah.

Berri oo ah maalin arbaco ah ayaa la filayaa inay Warbaahinta la hadlaan Hogaanka Dalladaha Waxbarashada Ee Dalka ka jira, iyagoo ka jawaabaya cabashooyinka dugsiyo loo diiday imtixaanka inay ka qeyb galaan iyo Arimo kale.

Ilaa hadda ma heyno war kasoo baxay Wasiir Goodax Barre Oo Hogaamiya Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya,iyadoo arintaas lagu eedeeyey aysan ka jawaabin.

Puntland & Wasiir Goodax ayey sababo la xiriira nidaamka waxbarashada iyo imtixaanaadka isku qabteen inkastoo sax ahaanshaha dagaalkaas markii dambe la xaliyey.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII