Dag dag nin hubeeysan oo xabad ku furay guri ku yaalo Warta Nabada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

War hada soo gaaray  Warqabadka warkii.com  ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu weerar ku qaaday Guri ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne badan oo ku sugnaa Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf ee Degmada Warta-nabadda.

Weerarka lagu qaaday Guriga ayaa waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday Nin lagu Magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi, halka in kaban 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninkii hubeysnaa uu goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiray aaga uu falka ka dhacay.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Dag dag nin hubeeysan oo xabad ku furay guri ku yaalo Warta Nabada appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII