Daawo Video:-Imaam Cumar oo ka mid ah odayaasha Dhaqanka Cadaado oo u mahad celiyay Ra’iisuwasaaraha Soomaaliya.

Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka G/Mudug ee magaalada dhuusamareb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Ergadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.

Wariyaha warbaahinta warkii.com wuxuu intaasi ku daray in Xubnaha ergada Cadaado ee maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareb la dajiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug..

Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambaysay ee furitaanka shirka dib- u heshiisiinta waxaana haatan ku sugan dhammaan Ergooyinka.ka qaybgalaya shirka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here