Daawo Sida Ay Arsenal Fan TV Uga Falceliyeen Goolkii Ay Daafacyada Gunners Hadiyada U Siiyeen Tottenham

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Arsenal Fan TV waa mid madadaalo fiican leh mar walba oo ay Gunner wajahdo natiijo xun horyaalka Premier League iyo tartamada kalaba.

Shaaly oo Axad aheyd, taageerayaasha inta badan daadihiya kanaalka YouTube ee Arsenal Fan TV ayaa si wada jir ah hal qof ku daawaday kulanka North London Derby ee ay la ciyaarayeen kooxda Tottenham.

Falcelintooda ayaa si toos ah loo daawanayay, waxaadna qiyaasi kartaa sida ay uga jawaab celiyeen markii Son Heung-min uu goolka barbaraha dhaliyay daqiiqadii 19aad.

Alexandre Lacazette ayaa daqiiqad ka hor hogaanka u dhiibay Arsenal isagoo dhaliyay gool gantaal qurux badan oo u sharaxan goolka bishaan July ugu fiican horyaalka.

Laakiin qalad difaacasho oo weyn uu sameeyay Sead Kolasinac ayaa u sahashay Son inuu barbareeyo ciyaarta.

David Luiz ayaa isna ku guuldareystay inuu falcelin degdeg ah sameeyo oo uu kubada ka difaacdo xiddiga Tottenham kaasoo kubada ka dulqaaday goolhaye Martinez.

Waqti dheer ma aysan qaadanin markii muuqaal qosol leh oo Arsenal Fan TV ah la soo dhigay .

Waa sidaan sida ay uga falceliyeen goolka barbaraha Son raga kala ah Troopz, DT iyo taageerayaasha kale ee ka shaqeeya Arsenal Fan TV.

Waxaa xaalada ku sii xumeeyay markii ay Spurs ku badisay 2-1.

Toby Alderweireld ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 81aad ee ciyaarta.

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII