Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah ku leh hoteel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo loogu magac daray ban-baxa golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlayaa qorshaha xukuumadda cusub iyo howlaha hor-yaallo.

Sidoo kale waxaa shirkan intiisa badan diirada lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga, kobcinta shaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta bulshada, caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100- a maalmood.

Guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale goob jooga ah oo ka soo dhex muuqday shirkaasi.

Wariyeyaasha ayaa sidoo kale dhankooda soo tabinaya khudbadaha laga jeedinayo shirka ban-baxa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda Rooble oo heshay kalsoonida baarlamaanka ayaa waday maalmihii u dambeeyey kulamo wada-tashi ah oo ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here