Daawo Sawirada :-Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Somalia

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada.

Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen is-afgarad u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here