Daawo Sawirada Garsoore Mike Dean Oo Ka Xun In Lagu Qasbay Inuu Rigoore U Dhigo Arsenal & Jamaahiirta Oo Ka Jawaab Celiyay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Garsoore Mikel Dean ayaa ka xumaaday in muuqaal caawiyaha garsooraha VAR ay dhanka kale u rogtay go’aankii uu ku diiday inuu rigoore u dhigo Arsenal.

Garsooraha ayaan ku ciqaabin Craig Dawson qaladkii uu ku galay Alexandre Lacazette daqiiqadii labaad.

Laakiin ka dib markii ay go’aanka eegtay VAR, garsoore Mike Dean ayaa lagu qasbay inuu rigoore u dhigo Arsenal iyadoo Gunners fursad loo siiyay inay hogaanka u qabato ciyaarta.

Advertisements

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay rigoorada laakiin falcelintii uu ka bixiyay garsoore Dean in go’aankiisii la laalay ayaa keentay inay taageerayaasha Arsenal si weyn uga hadlaan.

Taageere ayaa yiri: “Wajiga Mikel Dean markii ay go’aankiisa laashay VAR islamarkaana lagu qasbay inuu rigoore u dhigo ayaa ah sawir taariikhi ah.”

Mid kale ayaa yiri: “Bal sida uu Mikel Dean uga xun yahay inuu rigoorada dhigo eega”

Taageere kale ayaa soo qoray: “Waxaad arki kartaa niyadjabka ka muuqda wajiga Mike Dean markii VAR ku qasabtay inuu rigoore inoo dhigo.”

Image

Image

Arsenal ayaa seddex gool ku hogaamineysay ciyaarta ka hor waqtigii nasashada ka dib labo gool uu dhaliyay Aubameyang iyo gool uu saxiixay Kieran Tierney.

Laakiin Troy Deeney ayaa hal gool u soo celiyay Watford ka hor waqtigii nasashada ka hor inta uusan xiddigii hore ee Arsenal Danny Welbeck ku dhaweynin Watford inay barbaro hesho.

Arsenal ayaa difaacatay seddexda dhibcood iyagoo ku dhameystay kaalinta 8aad ee horyaalka Premier League halka Watford ay u dhacday heerka labaad.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII