Daawo Sawirada:-Degaanada Al-shabaab oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul- adxaa

Degaanada Al-shabaab ayaa maanta si weyn looga dabaaldegay maalinta koowaad ee ciidul- adxaa.

Bulshada ku nool degmada Jilib ayaa saaka si wayn isugu soo baxay fagaaraha wayn ee loo bixiyey Macallin Aadan Xaashi Ceyroow, fagaarahaasi oo ku caanbaxay salaadaha ciidda iyo fulinta xukunada Al-shabaab.

Sidoo kale degaanka Galhareeri oo ka tirsan gobolka galgaduud oo ay al-shabaab maamusho ayaa maanta si wadajir ah looga ciiday maalinta kowaad ee ciidul Adxaa’ iyadoo dadka ay salaadda Ciidda kuwada dukadeen fagaara halkaas ku yaalla

Degaanka Kuunyo Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale ka mid ah degaanada al-shabaab ee maanta si heer sare ah looga ciiday, iyadoo saaka dad weynuhu ku tukadeen goob fagaare ah.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here