Daawo: Muuqaal Kylian Mbappe oo ka Cabanaya Neymar, Isaga ima siiyo Baasaska

Paris Saint-Germain ayaa ka dhigtay sideed guul 8 kulan oo ay ka ciyaartay Ligue 1 xilli ciyaareedkan markii ay ka badiyeen Montpellier garoonka Parc des Princes.

Idrissa Gueye ayaa daah furay gooldhalinta 14 daqiiqo waxa ku xijiyay Draxler oo beddelay Angel Di Maria daqiiqad ka hor.

Si la mid ah Di Maria,  Kylian Mbappe ayaa sidoo kale la badalay ka hor goolka labaad isagoo u baneeyay Mauro Icardi.

Xidigan ayaa ka carooday in Neymar uusan Baasas siini isaga oo uu Xasdo.

muuqaallo uu qabtay Canal+ ayaa u muuqday inay muujinayaan isagoo ka cabanaya Neymar.

Sida laga soo xigtay RMC Sport , Mbappe ayaa ku yiri Gueye: “Isaga [Neymar] ma i siiyo baasas”.

pic..com/BNfPnmURj9

— lucie (@lucie_meryl) September 25, 2021

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com