Daawo :-Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Oo Xilka la wareegay

Munaasabad uu xilka kula wareegayey Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa caawa lagu qabtay xarunta dowlada Hoose ee Xamar.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka aqalka sare Mowliid, raisul Wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi, gudoomiyeyaashii hore ee gobolka Banaadir qaarkood iyo xubno kale oo badan.

Madaxda sare ee dalka gaar ahaan Raisul Wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiirada ayaan ka qeyb gelin munaasabada caawa, mana cadda sababta, iyadoo arintaas ay hadal heyn badan dhalisay, inkastoo Madaxweyne farmaajo uu dalka ka maqan yahay, waxaana taas bedelkeed soo buuxiyey safafka hore ee munaasabadan xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid ah Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur iyo xubno kale.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadaas ayaa balan-qaaday inuu dardar gelin doono howlaha ka socda gobolka Banaadir bulshada ugu adeegi doono si hufan.

Cumar Filish ayaa sheegay inuu ku dedaali doono sidii uu u furi lahaa jidadka u xiran masuuliyiinta iyo heyadaha dowladda qaarkood ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwo lagu jaray dhagxaanta.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here