Daawo: Bruno Ferandes iyo Ronaldo oo Jesse Lingard ku Qasbaya in uu Dabaal-dago, go’an nuucee ayuu qaatay

Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes ayaa isku dayay inay ku qasbaan Jesse Lingard inuu ku dabbaal-dego kooxdiisii hore ee West Ham United oo uu gool ka dhaliyey dhamaadka ciyaartii ay London Stadium ay ku garaaceen 1-2.

Jesse Lingard oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii 89aad waxa uu Manchester United u dhaliyey goolka guusha laakiin waxa uu ixtiraam u muujiyey West Ham oo uu amaah ugu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, bandhig fiicanna kusoo sameeyey.

Muuqaal muujinaya sida uu u diiday go’anka labadan xidig ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta qeybta Twitterka.

Ronaldo and Bruno pushing Lingard to celebrate 😂😂 pic..com/iPKeKjBT2v

— r (fan account) (@LukeShawArmy) September 19, 2021

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com