Daafac Muhiim U Ah Liverpool Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Baxo 11 Milyan Maalmo Ka Dib Markii Uu Qaaday Koobka Premier League

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Daafaca dhexe Dejan Lovren ayaa soo gabagabeynaya lix sannadood uu joogay Liverpool isagoo qarka u saaran inuu heshiis 10.9 milyan ginni ugu wareego kooxda reer Russia ee Zenit St Petersburg.

31 jirkaan ayaa ka tagaya Anfield isagoo ku guuleystay Premier League, wuxuuna saftay 15 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.

Wadahadalo socday labadii todobaad ee u danbeysay oo u dhaxeeyay kooxdiisa Reds iyo Zenit ayaa haatan gabagabo ku dhow sida ay sheegtay jariirada The Times.

Advertisements

Zenit ayaa markii hore u maleyneysay in waayo aragaan uu galay sannadkii ugu danbeysay ee qandaraaskiisa islamarkaana ay ku iibsan karaan qiimo jaban.

Laakiin Liverpool ayaa isticmaashay sharuud ku jirtay qandaraaskiisii oo aheyd inay hal sanno ku kordhin karaan, taasoo u ogolaaneysa inay qiimo macquul ah ku helaan iibkiisa.

Zenit ayaa u muuqata mid ugu danbeyn aqbashay islamarkaana diyaar la ah inay bixiso qiimaha xiddigii hore ee Southampton.

Waqtiga Lovren ee kooxda Jurgen Klopp ayaa soo dhamaan kara maalmo gudaheed.

Waqtigiisa ciyaarta waxaa saameyn xun ku yeeshay qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jiraan Joe Gomez iyo Joel Matip oo ka garab ciyaaraya Virgil van Dijk iyo dhaawacyo soo gaaray Lovren.

Klopp ayaa haatan ka fiirsanaya haddii uu u baahan yahay bedelka Lovren iyadoo lala xiriirinayay daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly.

Reds ayaa sidoo kale daawatay daafaca kooxda Brighton 22 sanno jrika Ben White, isagoo wacdarro u dhigayay kooxda qaaday horyaalka heerka labaad ee Leeds oo uu amaah ku joogay.

Klopp ayaa sidoo kale ka hadlay suurtogalnimada uu xiddigo da’ yar ku soo dalacsiin karo.

Ki-Jana Hoever iyo Sepp van den Berg oo labaduba 18 sanno jir ah ayaa wacdarro u dhigayay kooxda da’ yarta sidaasi darteed waxaa macquul ah in fursad laga siiyo kooxda koowaad.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII