Daafac Muhiim U Ah Arsenal Oo Seegaya Finalka FA Cup Ee Ay La Balansan Yihiin Chelsea

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Shkodran Mustafi ayaa ku dhow inuu seego finalka FA Cup iyadoo ay dhabarjab weyn ku tahay kooxda Arsenal.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay in shaki weyn ka qabo haddii Mustafi uu taam u noqon doono kulanka Wembley ee 1da bisha Agoosto isagoo dhaawac muruqa bowdada ah uu ka soo gaaray kulankii semi-finalka FA Cup.

Warkaan ayaa dhabarjab weyn ku ah Arsenal iyo sidoo kale Mustafi kaasoo qaab ciyaareed fiican soo bandhigayay intii uu ka hoos ciyaarayay Arteta isagoo u muuqday mid xajisanaya booskiisa daafaca dhexe.

Advertisements

“Waa run Mustafi waa dhaawac, waxaana u baahanahay inaan qiimeyno mudada uu maqnaanayo” ayuu Arteta yiri markii la weydiiyay haddii uu taam u noqon doono finalka.

“Shaki ayaan ka qabaa inuu taam u noqon doono finalka. Ma garanayo. Waa inaan aragno sida uu noqdo maalmaha soo socda. Waqti xaadirkaan shaki ayaan ka qabaa”

Arteta ayaa sidoo kale qirtay in xitaa haddii ay ku guuleystaan FA Cup oo ay u soo baxaan Europa League inay Arsenal u noqon doonto xilli ciyaareed xun.

Arteta ayaa yiri: “Aniga ahaan, kooxdaan waxay u qalantaa waxa ugu fiican iyo inay u dagaalanto koob walba. Ka dib wax walba oo dhacay, haddii aan ku guuleysano FA Cup oo aan u soo baxno Yurub, waxaan dhihi karnaa waa iska OK.

“Laakiin taasi ma ahan heerka laga filayo kooxdaan”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII